Ruushka oo markale lagu weeraray diyaaradaha Drone

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weeraro badan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhacay gobollada Belgorod iyo Kursk ee xuduudka u dhexeeya subaxnimadii hore ee Jimcihii.

“Caawa, dhowr diyaaradood oo Yukreeniyaan ah ayaa lagu soo riday gantaalada difaaca hawada ee Kursk,” ayuu yiri Roman Starovoyt, guddoomiyaha Kursk.

Dhigiisa Belgorod, Vyacheslav Gladkov, ayaa sheegay in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay magaaladiisa ka dhigeen koronto la’aan.

Sida laga soo xigtay Gladkov, firir ka soo baxay mid ka mid ah weerarradaas ayaa dilay laba haween ah iyo dhaawaca laba kale oo rayid ah.

Maamulka Ruushka ayaa horey u sheegay in ciidamada Ukraine ay weeraro xiriir ah ka fuliyeen Belgorod, ayna ku dhaawacmeen toban qof.

Belgorod ayaa todobaadkii hore waxaa ka dhacay duulaan cajiib ah oo ay qaadeen dagaalyahano hubeysan oo u dhashay dalka Ukraine, kaasi oo dhaliyay su’aalo ku saabsan awooda difaaca xudduudaha Ruushka.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in saddex weerar oo ay qaadeen kooxaha argagixisada Ukraine oo bartilmaansaday kaabayaasha rayidka ay iska caabiyeen askarta Ruushka.

Madaxtooyada Ruushka ayaa dhalliiceysay in Beesha Caalamka aysan cambaareyn weerarradan lagu soo qaaday dhulkooda.

Horseed Media