Chelsea Oo Guul Muhiim Aheyd Ka Gaartay AC MIlan.

Chelsea ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaartay Milan oo ay uga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah

Sheekada ciyaarta : qeybta hore waxaa lagu nastay gool ay laheyd Chelsea kaasi oo uu dhaliyay Fofana , waxa ayna labada koox biloowgii ku bilaabeen qaab dar dar leh

Milan waxa ay ka sheegteen in si gaabis  ah uga ahaayeen kubadda soo dhisdda waliba dhanka weerarka

Chelsea inkastoo ay gacan sareeyeen xitaa dhankooda waxa ay dhib ku qabeen maal gashiga fursadaah waliba si qosol leh ayay u qasaarinayeen

Laakiin kooxda reer Ingiriis waxa ay ku wacnaayeen in amaanka qeybta dambe sugaan oo fursadda waa u diideen Milan , waxaana kooxdaas dhaawac uga baxay Fofana iyadoo daqiiqadii 38-aad la soo giliyay  Trevoh Chalobah 

Biloowgii qeybta labaad,Milan kubadda waa ku badnaayeen balse ma aheyn mid qiimo leh oo afka hore si sax ah uma aysan gaarsiineyn

Sidaas oo ay tahay Chelsea gool  labaad ka dib qalad daafaca Milan ka dhacay ayay heleen waxaana saxiixay Aubameyang daqiiqadii 56-aad

Milan waa niyad jabeen kubadana aaggooda ayay ku noq noqoneysay illaa gool sedexaad lagu helo waxaana si cajiib ah u dhaliyay James daqiiqadii 62-aad

Ka dib dhacdooyinkaas , ciyaarta wax laga qoro ma laheyn oo si qub qac u aheyd , Milan waxaa ka qaldanaa in si wacan ula macaamilaan kubadda marka afka hore soo gaarto , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay sedexdaas gool oo ay Chelsea laheyd