Real Madrid Oo Garaacda Shakhtar Donetsk & Citizen Oo Xasuuqday Copenhagen

Kooxda Real Madrid ayaa sii wada difaacashada champions League iyada oo guul ka gaadhay kooxda Shakhtar Donetsk kulan ka tirsanaa kulankii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Kulanka ayaa ahaa Mid ay Real madrid fiicantahay dhinac walba isla markaas si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta xilli ay raadinayaan goolal wakhti hore ah.

Kooxda Shakhtar Donetsk ayaa dhinaceed ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 13-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Real madrid ayaa sii waday dadaalada ay wado ee ay ku doonayso goolal ay ciyaarta ku disho isla markaas Shakhtar ugu quus goyso.

Daqiiqadii 28-aad ayay Los Blancos dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Vini Jr kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxda Real Madrid ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Shakhtar ayaa raadinaysay goolal ay ciyaarta ka dhaliso waliba ciyaarta dib ugu soo celinaya xilli ay Los Blancos sii waday samaynta fursadaha.

Daqiiqadii 39-aad ayay dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Oleksandr Zubkov kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real madrid kulanka hogaaminayso qaab ciyaareed ahaan iyo waliba fiicnaanta ciyaarta.

Qaybti dambe ayay Real Madrid wax walba u samaysay sidii ay goolal kale u dhalin lahayd sidoo kale Shakhtar ayaa samaysay fursado laakiin midkoona ma dhalin wax gool ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo Ay Real Madrid guul gaadhay kulankiidii 3-aad oo xidhiidh ah wareega Group-yada tartanka champions League.

Dhinaca kale Kooxda Man City ayaa 5/0 ku xasuuqday kooxda Copenhagen kulan ay Citizen ahayd kooxda fiican kana awooda badan kooxda ay marti galisay.