Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka EAC

Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ( East African Community).

Ansixinta Baarlamanka ee heshiiskan ayaa waddada u xaareysa dhameystirka habraaca xubinnimada Soomaaliya ee ururka , iyadoo EAC siisay muddo 6 bilood ah oo ay ku gudbiso heshiiska oo la soo mariyay hay’adda sharci dejinta, lana ansixiyay.

Golaha Wasiirrada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa waxaa loo xilsaarey in marka loo gudbiyo heshiiska maanta la ansixiyay, inay guda galaan fulinta iyo dhameystirka xubinnimada rasmiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bishii November 24keedii, 2023 ayaa Shir Madaxeedkii EAC oo ka dhacay Arusha lagu ansixiyay codsiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa noqoneysa xubinta 8aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waddamada kale ayaa kala ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Koonfuurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo ( DRC).

PUNTLAND POST