Arthur Melo Oo Hal Eriyay Ku Sifeeyay Go`aanka Uu Ku Yimid Liveprool

Saxiixa cusub Liverpool ee Arthur Melo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu u yimid qalcadda Anfiled

Amaah hal xilli ciyaareed ah ayuu kaga soo wareegay Juventus saacadidhii ugu dambeeyay ee uu xermayay suuqa kala iibsiga xalay.

Waxaa hishiiska Arthur Melo ku jira qodob aan qasab aheyn oo ah in ay toos u iibsan karaan haddii ay ka helaan

Lambarka 29-aad ayuu Arthur Melo u xenayaa Liverpool sida kooxdaba ay cadeysay

” Si weyn ayana ugu faraxsanahay in aan xerto maaliyadda Liverpool , wallee waa riyo” ayuu Arthur Melo ka yiri bogga rasmiga ah ee Liverpool .

“Liverpool taarkiih weyn ayay leedahay , aad ayaan ugu rajo weynahay in aan wax badan ku sameyn doono halkaan”.

” Mar kale waan ku celinayaa waa riyo in aan halkaan joogo”

Arthur Melo ayaa Juve u soo saftay 63 kulan dhamaan tartamada 35 ka mid ah asaasi ayuu ahaa