6 katir shaqaalaha shirkadda Hormuud oo lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Garasbaaley.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya illaa iyo 6 ruux isla goobtana uu ku basbeelay gaarigii ay wateen.

Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo qabsatay gaariga.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa maamulka Shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadan.