Yuusuf Madaale iyo madax kale oo kormeeray koontaroolada laga soo galo Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah kontorolada laga soo galo magaalada Muqdisho.

Kormerkaan Duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa ku wehliyay guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Taliyaha Nabad Sugida gobolka Banaadir.

Madaale ayaana xog wareestay saraakiisha iyo ciidamada jooga koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho, waxa uuna ku amaanay askarta sida ay heeganka ugu yihiin ilaalinta amniga guud ee caasinadda.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa kormeeray ollole Nadaafadeed oo ka socday qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxa uuna kula dar daarmay in la kordhiyo ololaha nadaafada xilliyada roobka oo carro iyo qashin laamiyada fadhiistaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleMareykanka oo hal Sabab darteed u hakiyay hubkii uu siin jiray ciidamada Isra’il