Xuutiyiinta oo difaac adag ka galay Markab dagaal oo taagan biyaha Soomaaliya

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay in Heegan Buuxa la geliyey, kadib, markii ay ka war heleen in Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka ku soo wajahan yihiin Gacan-biyoodka Cadmeed ee Baabul Mandab ee kaabiga ku haya Xeebaha Yemen.

Warbaahinta Iran Observer waxaa kaloo lagu daabacay in Markabka xambaarsan Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ee Eisenhower (The Aircraft Carrier Eisenhower) uu soo gaaray Gacanka Cadmeed iyo inuu haatan taagan yahay Goobtii uu ka fulin lahaa Duqeymaha, waa sida hadalka loo dhigay.

Iran Observer waxay kaloo tilmaamtay in la rumeysan yahay inuu Markabka Eisenhower ku dhow yahay Xeebta Somalia iyo inay Kooxda Xuutiyiinta ka hor taagan yihiin Markabkaasi inuu soo galo ama u soo dhaqaaqo dhankan Xuduud-Baddeedka dalka Yemen.

Dhanka kale, Maraykanka waxay 3 markab oo dheeraad ah ee nooca ay ku rakiban yihiin Gantaallada la hago ee wax burburiya oo ku sugnaa Badda Mediterranean Sea u soo dirtay Badda Cas.

Maraakiibtaasi oo u soo ruqaansaday Gacanka Cadmeed ayaa loo arkaa inay Milliteriga Maraykanka u diyaar garoobayaan Dagaal ay la galaan Dagaalamayaasha Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran ka taageerto dhinacyada Tababarka Milliteriga, Dhaqaalaha iyo Teknoolajiyada Darooniska iyo Gantaallada Balaastikada.

Si kastaba, Kooxda Xuutiyiinta waxay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay qaadeen Guluf ka dhan ah Weerarada Askarta Yuhuuda ka wadaan Deegaanada Marinka Qasa ee Falastiin.

Xuutiyiinta waxay kaloo Maraakiibta Ganacsiga ee ku wajahan Israel ka mamnuuceen inay soo maraan Marin Biyoodka Istaraatiijiyada leh ee Gacanka Cadmeed, taasi oo keentay Cabsi la xiriirta cunaqabatayntaasi.

W/Q Ustaad Nuradin Abuukar.

– Advertisement –