Xukumadda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka ku nool meelaha uu maro webiga Shabeelle

Isniin, April, 6, 2024 (AX) – Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa waxay soo saartay digniin dhinaca saadaasha hawada ah oo ku socota dadka ku nool degaanada ku dhow dhulka webiga Shabeelle.
Wasaaradda deegaanka ayaa sheegtay in webiga Shabeelle, dhanka magaalada Beledweyne uu cabirka wabiga kor u kacay una dhowaaday heerka uu ku fatahi karo webiga.
Waxay ugu baaqday shacabka in ay ka dheeradaan goobaha biyo mareenada sida webiyada iyo dooxyada.
Dhowr meelood oo Soomaaliya ka tirsan ayaa helay roobab dhexdhexaad ah Bishan May, iyadoo roobabka xooggooda laga soo sheegay, Hirshabeelle, Puntland, iyo Jubbaland.
Weriyaha AX uga soo warama degaanada Puntland ayaa sheegaya, in roobabkii da’ay degaanada Puntland ay waxyeello xooggan ay u geysteen laamiga weyn ee isku xira magaalooyinka Garowe iyo Bosaso. Qulqulka biyaha ayaa jaray dhowr buundo oo kuyiilay tuulooyin u dhow Garowe.
Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee roobabka Guga Soomaaliya ee kasoo baxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda Soomaaliya,  roobab joog hoose ah iyo kuwa meel dhexaad ah ayaa kusoo wajahan qeybo kamid ah  gobolada dalka.