(Xog) Sida uu u shaqeeyo & qalabka ku xiran Markabka dagaalka Turkiga

Markabka ciidanka badda Turkiga ee TCG Kınalıada (F-514) ayaa lagu daahfuray dhaqangelka heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee ay wada gaareen dabayaqaadii bishii Febraayo Soomaaliya iyo Turkiga .

Kınalıada (F-514), oo si rasmi ah loo howlgaliyay sannadkii 2017, ayaa ku qalabaysan dhammaan nidaamyada la socodka dhaqdhaqaaqa hawada iyo badda gunteeda, wuxuu leeyahay nidaam difaac oo casri ah.

Waxaa uu ka hortagi kara nidaam kasta oo weerar oo isugu jira gantaallada , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarrada elektaroonika ah, isagoo sidoo kale talis dhexe u noqon doona raxan maraakiib ah oo oo ilaalin doona xeebaha Somalia 10ka sanadood ee soo socota, sidoo kalena tababar siin doona ciidanka badda Somalia

Waxaa la aaminsan yahay qiimaha qalabka ku xiran inay ku kacayaan in ka badan $280 milyan. Dushiisa waxaa ka kici kara diyaaradaha qumaatiga u kaca, sidoo kale wuxuu leeyahay saldhig diyaaradaha aan duuliyahan lahayn.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha munaasabad ka dhacday markabkan dagaal oo ku soo xirtay dekeda Muqdisho taasoo lagu daah furayey dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya

– Advertisement –