Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ka aloosan Gobolka Cayn

Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa ka aloosan degaanno ka tirsan Gobolka Cayn.

Ciidamada Somaliland ayaa sida la sheegayo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada degaanno hoostaga degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Ciidamada Puntland iyo kuwa degaanka ayaa sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ka wada magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada labada dhinac ayaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan waxaana laga cabsi qabaa isku dhacyo hubaysan.

Xiisaddan ayaa ku soo beegantay xilli aan weli la dhayin hurgumooyinkii ka dhashay duullaankii Somaliland ku qaadday Kalshaale 7-dii February 2011.

PUNTLAND POST