Xamaas oo go’doomisay ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Khan Yonis

Xoogaga Xamaas ayaa la sheegay iney go’doomiyeen kumanaan ka tirsan ciidamada Yuhuuda oo galay magaalada Khan Yonis ee ku taalla Koonfurta marinka Gaza.

israel ayaa ku qasbanaatay iney dayuurad xamuul ah ku qaado saadka iyo cuntada ciidamada ku sugan Khan Yonis taasoo cirka uga daadisay xalay ka dib markii Xamaas ay xirtay jidadka ciidamadaas saadka loo marin jiray ee isku xira Khan Yonis iyo Israel.

afhayeenka ciidamada Yuhuuda ayaa sheegay in talaabada ciidankooda ay hawada uga daadiyeen saadka ay tahay markii koowaad ee ay sameeyaan tan iyo dagaalkii ay koonfurta Lubnaan kula galeen Xisbulah sanado ka hor oo sidaasoo kale ay sameeyeen.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay iney iska caabintii ugu adkeyd kala kulmeen xoogaga Xamaas ee ka dagaalamaya Knan Yonis, kuwaasoo u geystay khasaare lixaad leh, iyadoo ciidamada Yuhuuda ay awoodi la yihiin iney horey u socdaan.

Israa’iil waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay dagaallanto muddo bilo ah ama ka badan si ay uga adkaato maamulka Gaza ee Xamaas

Qatar, oo door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta, ayaa sheegtay in dadaalka lagu joojinayo dagaalka iyo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha ay sii wadi doonaan, balse rabitaanka ah in laga wada hadlo xabbad-joojin ay sii yaraanayso.

Israa’iil ayaa wajaheysa caro caalami ah ka dib markii weerarkeeda milatari ay ku dishay in ka badan 17,700 oo Falastiiniyiin ah Gaza, ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meel oo ka mid ah waa haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Qiyaastii 90% dadka Gaza ee 2.3 milyan ah ayaa ku barakacay gudaha dhulka la go’doomiyay, halkaas oo hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen inaysan jirin meel ammaan ah oo lagu qaxo.

Mareykanka ayaa taageero muhiim ah siiyay Israa’iil maalmihii la soo dhaafay isaga oo diiddan qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku baaqaya xabbad-joojin iyo in la riixo in si degdeg ah looga iibiyo Israa’iil rasaasta taangiga ah oo qiimaheedu dhan yahay 100 milyan oo doolar. Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa qorsheynaya inuu maalinta Talaadada ah u codeeyo qaraar kan la mid ah.

Israa’iil ayaa sheegtay in 102 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen weerarrada dhulka ah kaddib markii Xamaas ay weerar ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dishay illaa 1,200 oo qof oo u badan rayid, waxayna afduubteen ilaa 240 qof, waxaana warbaahinta Israel ay sheegeysaa in khasaaraha soo gaaray ciidankooda uu inta la sheegay aad uga badan yahay balse la qarinayo.

– Advertisement –