Xabsi layaab leh oo Dadku iskood u Tagaan si loogu xidho

Xabsi ku yaalla gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya ayaa laga billaabay arrin aan hore loo aqoonin si looga hortago dhibaatooyinka bulshada qaarkood.  

Maamulka xabsigan, oo ka shaqeeya magaalada Haldwani ayaa hirgeliyay barnaamij uu xabsigu leeyahay oo dadka caadiga ah u fasaxaya in lagu xidho halkaas, iyagoo aanay maxkamadi soo xukumin.

Qof kasta oo codsada in lagu xidho xabsigan ayaa halkii habeenba laga qaadayaa lacag dhan Rs.500 oo u dhiganta wax ka badan 8 doolar iyo badh.

Saraakiisha gacanta ku haya xabsigan dhaqanka layaabka leh la yimid ayaa sheegay in arrintan ay dadka ka badbaadineyso iney maraan ciqaab weyn oo ay ku muteystaan dambiyada qaar.

Dad badan oo ku nool Hindiya ayaa xabsigaas u taga si ay uga hortagaan wax yaabo ay aaminsan yihiin in ay ku dhici doonaan mustaqbalka, kuwaasoo ay u sheegeen dadka wax faaliya oo ay kala tashadeen mustaqbalkooda.

Faalka oo ah dhaqan ka jira Hindiya ayaa dadka qaar loogu sheegaa in ay noloshooda waqti ka mid ah xabsi ku qaadan doonaan, sidaas awgeedna ay u habboon tahay inay waqti cayiman si iskood ah xabsiga u galaan.

Horay ayey u jirtay in dadka faalka sameeya ay macaamiishooda kula taliyaan inay xabsi galaan.

Barnaamijkan cusub ee laga billaabay xabsiga ayaa loogu talogalay in qof kasta uu xor u yahay inuu lugihiisa ku tago xabsiga, lacagna laga qaado maalmaha uu halkaas ku xidhnaanayano.