Xabi Alonso Oo Kashifay Qaabkii Uu Thiago Alcantara Ugu Qanciyay In Uu Ku Biiro Liverpool.

Xidigii hore ee Liverpool Xabi Alonso ayaa shaaca ka qaaday inuu ku qanciyay Thiago Alcantara inuu ku biiro Reds sanadka 2020. Alonso ayaa u sheegay Thiago in Liverpool ay tahay meesha ugu haboon ee ay tahay in uu ku biiro.

Thiago, oo 31 jir ah, ayaa Liverpool kaga soo biiray Bayern Munich aduun dhan 20 milyan oo euro waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda inkasta oo uu dhaawacyo ku dhibaatooday tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ayaa kooxda Liverpool kula guulaystay premier League iyo waliba 3 koob oo kale isaga oo dhaliyay 2 gool 4 kalena caawiye ka noqday.

Alonso ayaa Thiago kaga soo garab ciyaaray Bayern Munich intii u dhexaysay 2014 ilaa 2017 iyaga oo isla qaaday koobab badan oo ay ku jiraan saddex koob oo Bundesliga ah oo xidhiidh ah.

Alonso oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wax badan ayaan wadahadalnay sababta oo ah waxa uu ka fikirayay in uu ka tago Bayern, waxa aan ku idhi”Thiago waxa aad jeceshahay kubada waxa aad joogta koox weyn laakiin waa in aad tagtid Liverpool waad ku raaxaysan doontaa kubada”.

“Hadii aad dareemaysid in aad u baahantahay tartan cusub ma helaysid meel ka fiican Liverpool”.