Wefti uu Hogaaminyo Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, oo Wajaale Kula Kulmay Madaxwanaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Wajaale (Dawan) Wefti heer sare ah oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa magaaladda Wajaale ku soo dhaweeyay masuuliyiinta urur goboleedka IGAD oo uu hor kacayo madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cagjar kuwaas oo qayb ka ahaa barnaamij ballaadhan oo laga fulinayo dalalka qaybta ka ah ururka IGAD, kaasi oo ah dhanka biyaha.

Weftigan ayaa waxa qayb ka ahaa wasiiradda wasaraadaha Maaliyadda, Kheyraadka Biyaha iyo masuuliyiinta gobolka Gabiley iyo ka degmada Wajaale, waxaanay kulan kula qaateen xuduuda labada dalka madaxwaynaha Deegaanka Itoobiya iyo wasiirada qaybta ka ah ururkla IGAD.

Wufuuda labada dal ayaa waxa ay si wada jir ah uga qayb qaadanayeen,dhagax dhigga mashruuc ballaadhan oo laga fulinayo dalalka qaybta ka ah ururka IGAD, kaasi oo ah ka faa’iidaysiga biyaha dhulka hoostiisa ku jira oo Wajaale laga fulinayo, kaasi oo wax wayn ka tari doona iskaashiga iyo wada shaqaynta dalalka Samaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha gudaha JSL, oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay marshuucan biyood ee IGAD ay ka fulinayso magaalada Wajaale oo ay ka wada faa’iidaysan doonaa Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa uu u soo jeediyay wasiirka biyaha IGAD in xuduuda Somaliland iyo Itoobiya aad loogu badiyo qodiska biyaha si ay bulshadu uga faa’iidaystaan waxaanu yidhi

“Masuuliyiinta IGAD ee maanta halkan marayaa waa inay halkan ka qaadaan fariin aad naga sidaan oo aad odhanaayo, Somaliland waxaanu u baahan nahay in la balaadhiyo, isu socodka, iskaashiga, wada shaqaynta, xaga nabadgelyada, xaga dhaqaalahai iyo in aynu iska kaashano xaga kheyraadka aynu leenahay.

Dawladda Itoobiya waxa aanu ka wada shaqaynaa, oo xadka ugu horeeya aanu la leenahay Kilalkan, nabadgelyada, isu socodka dhaqaalaha, wada shaqaynta xadka iyo isu socodka dadka oo aanu si fiican ugu wada shaqayno”.

Urur goboleedka IGAD ayaa ka hirgelinaya magaaladda Tog-wajaale mashruuc looga faa’iidaysanayo biyaha dhulka hoostiisa ah si kor loogu qaado iskaashiga wadamada jaarka ah ee Geeska Afrika.

Masuuliyiintii kasocday wadamada urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyay magaalooyinka Tog-wajaale ee Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland ayaa warbaahinta kula hadlay xudduuda labada magaalo.

Waxaanu yidhi “Maanta(shalay) waxaan halkan u joognaa qorshe qayb ka ah barnaamij ballaadhan oo laga fulinayo Dalalka qaybta ka ah IGAD oo ah dhanka biyaha”.

Madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in mashruuca ka faa’iidaysiga dhulka biyaha hoostiisa kujira oo ah hindise cusub oo ay hoggaaminayso IGAD uu wax weyn katari doono iskaashiga dhanka biyaha ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Africa kajira dhammaantood.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay wasiirka wasaaradda biyaha dawladda Federaalka Itoobiya Dr.Habtamu Itafa kaasi oo sheegay inay wadaan mashruuc biyo galin dhulka hoostiisa ah, kaasi oo uu sheegay inay ka faa’iidaysan doonaa bulshada labada magaalo ee Wajaale waxaanu yidhi

“Maanta waxaan halkan u nimid anaga oo ka kooban qaar kamid ah wadamada IGAD mashruuca horumarinta adeega biyaha dhulka hoostiisa ah, waxaana Tog-wajaale ka wadnaa mashruuc biyo-galineed oo balaadhan kaasi oo aanu rabno in ay kawada faa’iidaystaan bulshada labada magaalo”,Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee JDFI, Dr. Inj. Habtamu Itafa.