Wasiir awood badan iyo saameyn ku lahaa Ruushka oo la xiray iyo Dambiga loo heesto

Ciidamada ammaanka dalka Ruushka ayaa xabsiga dhigay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Difaaca Ruuska Timur Ivanov ,kaddib markii lagu eedeeyay in uu ku kakacay falal la xariira musuqmaasuq.

Timur Ivanov ayaa kamid ahaa wasiiradda ugu saameynta iyo awoodda badan xukuumadda Ruushka, waxa uuna hadda wajahayaa fadeexad fool xun oo la xariirta in uu qaatay lacago musuqmaasuq ah.

Guddiga baarista kiiska wasiirka loo heesto ayaa sheegay in ay ku socdaan baaritaano qoto dheer, waxa ayna xuseen guddigan in wasiirka  lagu tuhmayo in uu qaatay lacago laaluush ah oo loo soo bandhigay.

Dambiyada lagu soo eedeeyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Ruushka haddii lagu helo ayaa la sheegay in uu wajihi karo xukun gaaraya 15-sanno oo xabsi ah iyo in laga mamnuuco in shaqo dowladeed qabto.

Kiiskan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee musuqmaasuq ee lagu eedeeyo sarkaal sare oo Xukuumadda Ruushka ka tirsan tan iyo markii Madaxweyne Vladimir Putin uu ciidamada Ruushka u diray Ukraine bishii Febraayo 2022.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleWasiirka Amniga oo guddoomiyay shirka wajiga labaad ee Mashruuca JPP (Sawirro)