Wasaaradda Beeraha oo Salaxley Gaadhsiisay Buugaag Waxtar u leh Beeralayda

Salaxley (Dawan) – Agaasimaha Waaxda Cilmi-baadhista iyo Fidinta ee wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Axmed Nour Aadan  iyo xubno uu hoggaaminayo  oo ay ka mid ahaayeen Madaxa qaybta siidhka ee Wasaarada Beeraha, Madaxa qaybta Cilmi-baadhista Iyo xubno kale ayaa safar shaqo ku tegay degmada sallaxlay ee gobolka Maroodi-jeex.

Waxayna kulan la yeesheen madaxa Xafiiska Wasaarada Horumarinta Beeraha ee degmada Sallaxlay Aadan Cabdiraxmaan oo ay wehelinayeen maamulka sare  Daladda Noolays oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha dallada Sidiiq Jawaan, Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhallinyarada Sallaxley  Abdiaziiz A. Faarah  iyo xubno kale .

Safarka Agaasimaha ayaa daaranaa sidii  wacyi-galin iyo is xog waraysi u kala qaataan, uguna kuur-galaan xaaladda beeraha.

Sidoo kale, waxay gaadhsiiyeen bugaag ku qoran Af-soomaali oo ay ku qoran yihiin noocyada cayayaanka beeraha, sunta loo isticmaalayo iyo qaabka loola tacaalayo kuwaas oo faa’iido u leh beeralayda.