Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada DR Congo

Published: December 21, 2023

Maamulka doorashada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegay in natiijadii ugu horreysay ee codbixinta la daabici doono Jimcaha, ka dib codbixin fowdo ah oo ay hareysay dhibaatooyin dhanka saadka ah.

Codbixinta ayaa maalintii labaad lagu kordhiyey qaar ka mid ah gobolada dalka, kadib markii Arbacadii dib u dhac uu ku yimid.

Dhawr ka mid ah musharixiinta madaxweynaha ee mucaaradka ayaa ku baaqay doorasho cusub, iyagoo ka cabanaya maamul xumo baahsan, qalab khaldan iyo wax isdaba marin.

Horseed Media