Wararkii u dambeeyey dagaalo qaraar oo ka socda qeybo ka mid ah marinka Gaza (Sawirro)

Dagaal culus ayaa ka dhacay Gaza, oo ay ku jiraan waqooyiga burburay, iyadoo Israa’iil ay horay u sii waday weerarkeeda ka dib markii Maraykanku uu xannibay dadaalkii ugu dambeeyay ee caalamiga ah ee xabbad-joojinta.

Daruur madow oo qiiq ah ayaa dul wareegaya hawada sare ee Khan Younis ee Gaza maanta iyadoo Israel ay balaarisay howlgalkeeda koonfurta marinkaas.

Israa’iil ayaa wajahday caro caalami ah oo sii kordheysa iyo baaqyo ku aaddan xabbad-joojin joogto ah ka dib markii la dilay kumanaan rayid ah oo Falastiiniyiin ah. Qiyaastii 90% dadka Gaza ee 2.3 milyan ah ayaa ku barakacay gudaha dhulka la go’doomiyay, halkaas oo hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen inaysan jirin meel ammaan ah oo lagu qaxo.

Maraykanku waxa uu taageero muhiim ah u fidiyey weerarka isaga oo diiddan dadaallada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu joojinayo dagaalka.

Xog dhab ah oo ku saabsan weerarrada iyo iska horimaadyada Gaza, iyo sidoo kale dhaawacyada iyo xaaladda isbitaallada, ayaa adag in la helo isgaarsiinta oo xaddidan awgeed.

Abu Obaida, oo ah afhayeenka garabka militari ee Xamaas, guutada Qassam, ayaa sheegay Axadii in dagaalyahanadiisu ay dileen kuna dhaawaceen 15 askari Israa’iil ah Khan Younis ka dib markii ay qarxiyeen goob ay ku sugnaayeen

Dhanka kale, waqooyiga Gaza guutooyinka Qassam ayaa bayaan kooban ku sheegay in dagaalyahanadoodu ay dagaal adag kula jiraan ciidamada Israel galbeedka xerada qaxootiga Jabaliya.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku sii dhawaanayay xerada qaxootiga ee Jabalya.

Jimcihii, Dr. Munir Al-Bursh, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, ayaa CNN u sheegay in ciidamada Israa’iil ay la wareegeen kala bar xerada Jabalya iyagoo sidoo kale hareereeyay darbiyada isbitaalka.

– Advertisement –