Wararkii u dambeeyey dagaal ilaa caawa soo gaaray oo maanta ka dhacay Jeexjeexa

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Dagaal culus oo u dhexeeyey Ciidanka xoogga dalka, xoogagga deegaanka iyo daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya iyo kooxda Al shabaab kaasoo ka dhacay degaanka jeexjeexa oo hoostaga Magaalada Caad ee Koofurta Gobolka Mudug.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa soo gaaray caawa gabal dhicii, iyadoo ciidamada huwanta ay isku dayayaan iney gaaraan degaanka Caad  oo al shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ciidanka huwanta ayaa illaa afar jeer maanta weeraray xoogaga al shabaab ee jooga degaanka Jeexjeexa oo ah dhul taag ah oo al shabaab ay ka difaacayso Caad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay iska caabin adag kala kulmeen Al shabaab ayna u suurageli weysay iney jiiraan difaacyada Al shabaab inkastoo ay khasaare xoogan gaarsiiyeen.

“Waxaa Jab xoogleh lagu gaarsiiyey Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee deegaanka Jeexjeexa gabaadka ka dhiganayey iyadoo Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal badan looga dilay dagaalka” ayey yiraahdeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.

Dagaalka maanta ayaa geystay khasaare aad u xoogan oo labada dhinacba gaaray, dhaawacyo fara badan ayaa la sheegay iney al shabaab geeyeen degaanka Caad, kuwaasoo loo la yahay dhaqaatiir iyo dawooyin maadaama uusan degaanka laheyn isbitaal weyn.

Al-shabaab ayaa haatan waxay gobolka Mudug kaga soo hareen degaanada Caad iyo Jowle, labadaas meelood oo haddii laga saaro soo afjaraya joogitaankoodii gobolkaas oo dhan, iyadoo dhamaan degaanadii kale ee ay ka joogeen Mudug laga faro maroojiyey bilihii la soo dhaafay.

– Advertisement –