Wadahadalo dhax maray Wasiiradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Itoobiya (Sawirro)

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya kula kulmay dhigiisa Mudane Abraham Belay.

Kulanka dhax maray wasiiradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga dhinaca difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in dhigiisa Itoobiya kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeeb dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u raadineysa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee kasocda qeybo kamid ah dalka, Itoobiya ayaana kamid ah dalalka ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

– Advertisement –