Waa ceeb in Dhalinyraada Hoolasha isku Dilaan,”.Maxamuud Raage

Hargeysa(Dawan):-Mareeyaha Madbacada qaranka Maxamuud  Raage  Ibraahim  ayaa sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin gacan ka hadalkii ka dhacay  Shirarkii ka dhacay Hargeysa   iyo  Burco oo ay qabsadeen Dhalinyarada Beesha bariga Burco.

Maxamuud  Raage  Ibraahim  ayaa  tilmamay in ay ceeb tahay Dhallinyaradu ay isku dilaan Hutelada,waaxaanu intaa ku daray in fikirka lagu kala duwanaan karo.

Maxamuud  Raage  Ibraahim  oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”25  ilaa  28 kii  bishii   Nofember  waxa dhacay Magaalada  Burco  shir ku  qabsaday beesha Habar Jeclo,waxaana  ka soo baxay  go,aamo   waxaana  soo gabogabeeyay  Suldaanka guud faalooyin badan   ayaa  la  sheegay shirkaas. aniga  oo  arkaya  khaladaadka  socda  waxa aan go,aan saday  in aanan ku dhex milmin beelaha,fikirka   waa lagu kala duwanana karaa  wixii ka dhacay  Shirarkii Hargeysa  iyo  Burco  ka dhacay ee dhalinyarada  Beesha Habar Jeclo   wax la aqbali karo maaha,waxa aan cambaaraynayaa cid kasta oo  shirarkaas ka  dambaysay  waa ceeb  in  Caruurtu hoolasha isku dilaan,waxa aan leeyahay meel xun ayay idika gashay hadii wax qaloocan jiraan waa layska toosiyaa wixii amniga waxa fiican in  Xukuumadda loo  daayo,”.

 





Previous articleCiidanka Nabadgelyadda Waddooyinka JSL oo ka Hadlay Boqolaal Qof oo ay Xidheen
Next articleSomaliland oo Tartan Caalami ah kaga Qayb Gelaysa Angola