Turkiga iyo Norway oo kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh wadahadallada Somaliland

Safiirada dalalka Turkiga iyo Norway u fadhiya Muqdisho ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlay dib u soo celinta wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay danjiraha dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha xilka danjiraha dowladda Norway Haakon Svane iyo wakiilada gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway, ayna ka wadahadleen dib u soo celinta wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Waxaa lagu xusay qoraalka in ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qorshihiisa qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan Somaliland.

Dhankooda, Wakiilada gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ayaa qoraalka lagu sheegay in ay ku bogaadiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay wadahadalada dowladda federaalka iyo Somaliland.

PUNTLAND POST