Tirada dadka ku dhimaya duqeymaha Israel ee Gaza oo sii kordhay (Sawirro)

Weerar cirka ah ayaa ugu yaraan 14 qof ku dilay waqooyiga Gaza maanta, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Duqeynta ayaa lagu garaacay magaalada Jabalya ee waqooyiga Gaza, sida uu CNN u sheegay Dr. Munir Al-Bursh, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka. Hadalkan ayuu ka sheegay goob caafimaad oo ku taalla deegaankaas oo inta badan isbitaallada ay yihiin kuwo aan shaqeyn.

“Ilaa hadda waxaan helnay 14 meyd ah, oo u badan haween iyo caruur, iyo sagaal dhaawac ah oo ka dhashay duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday laba guri oo ku yaal waqooyiga Jabalya,” ayuu yiri sarkaalka.

“Guryaha waxa ay martigelinayeen dad badan oo ka barakacay deegaanka. waxaana dhammaan dhaawacyada iyo meydadka ay soo gaareen goobta caafimaadka ee waqooyiga Jabalya. Waxaa jira qaar badan oo kale oo ku hoos jira burburka, dadka deegaanka iyo shaqaalaha difaaca madaniga ah ayaa ka shaqeynaya inay isku dayaan inay soo saaraan dad badan.”ayuu yiri

Hawada sare ee Gaza ayaa maanta muujinayay qiiq badan oo ka kacay qaybo ka mid ah waqooyiga Gaza.

Dhinaca kale, Saxafiyiinta ku sugan isbitaalka Nasser ee Khan Younis ee koonfurta Gaza ayaa sheegaya in 21 meyd ah la keenay Sabtidii maanta

Dadka la dilay, ayay yiraahdeen, waxaa ku jiray A’ssem Kamal Mousa, oo u shaqeynayay shabakadda Falastin Online ee fadhigeedu yahay Qaza iyo warar kale.

Goor sii horreysay, muuqaal laga soo duubay agagaarka Khan Younis ayaa muujinayay qiiq ka kacayay goobta ay qaraxyadu ka dhaceen.

Khan Younis ayaa la arkayay dagaal xoogan oo dhulka ah sidoo kale waxaa sii socday duqeymaha dhanka cirka ah todobaadkii la soo dhaafay.

Tiro dhimasho ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhalatay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka, oo ay ku jiraan Sawir qaade Aljazeera Samer Abu Daqqa .

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

– Advertisement –