Tigrey oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda Sudan

Maamulka Tigrey ee ka arrimiya waqooyiga dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda dalka Sudan , kaa oo u dhaxeeya ciidanka milatariga iyo ciidanka kale ee gurmadka deg dega ee RSF.

Taliska ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigrey in ay qeyb ka yihiin dagaalka ayna garab siinayaan ciidanka milatariga, waxa ayna RSF sheegeen in ay hayaan caddeymo muujinaya in TPLF qeyb ka yihiin dagaalka.

War kasoo baxay maamulka Tigrey ayaana lagu beeniyay eedeynta uga timid ciidamada RSF, waxa ayna sheegeen ciidamada daacada u ah TPLF in aysan wax shaqo ah ku laheyn dagaalka ka socda dalka Sudan.

Maamulka Tigrey ayaa sheegay in ay qorsheenayaan sidii ay guryahooda ugu soo celin lahaayeen boqolaal kun oo kasoo jeeda qowmiyada Tigrey, kuwaa oo gudaha Sudan u qaxay xilligii uu dagaalka ka socday gobolka Tigrey.

Eedeyntan kasoo yeertay ciidanka RSF ayaa imaaneysa xilli ay jiraan tuhuno la xariira in rag badan oo calooshood u shaqeestayaal ah kana soo jeedaan dalal kala duwan qeyb ka yuhiin dagaalka Sudan ka socda, iyaga oo u dagaallamaya dhinacyada is haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleFursad aad u qaali ah oo loo hayo Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Caruurtooda