Telefishinka dowladda oo lagu qasbay in uu tiro war lagu daabacay oo dad badan dhibsadeen

Warbaahinta dowladda gaar ahaan telefishinka qaranka ee SNTV ayaa shalay lagu daabacay war ku saabsanaaa macalin dugsi Qur’aan oo kooxda Al Shabaab dileen, kaddib markii uu macalinkaasi diiday bixinta lacago baad ah iyo in uu Al Shabaab u tago.

Macalinkan oo kooxda Al Shabaab ka afduubteen deegaan dhaca duleedka degmada Jalalaqsi ayaa warbaahinta dowladda baahisay in Al Shabaab dileen, waxa ayna sabab uga dhigeen dilkaasi in uu iska diiday amarro Al Shabaab uga yimid.

Warkan lagu daabacay telefishinka dowladda iyo warbaahinta kale ee afka dowladda ku hadasha ayaa hadal heyn badan abuuray, waxa ayna dad badan ku dhaliileen warbaahinta dowladda baahinta wararkan nuucaan ah oo bulshada lagu cabsi gelinayo.

Dadkii aragtida ka dhiibtay warkan ayaa qaarkood sheegeen in dowladda dadka ku qasbeyso in kooxda Al Shabaab aysan diidin amarkooda, maadaama ay daabaceen in Al Shabaab ayba dilayaan ciddii lacag u diida ama amarkooda fullin weysa.

Kaddib falcelinno badan oo ka dhashay warkan dowladda warbaahinteeda gaar ahaan bogga telefishinka SNTV lagu daabacay ayaa keentay in si deg deg ah qoraalkaasi looga saaro barihii dowladda qaarkood ee horey loo soo dhigay.

”Telefeshinkani hadda Khawaarijta mala dagaalamay mise wuu dhisay, oo shacabkii ayuu cabsida cadowga iyo khalkhal ku abuuray oo waxay dhiirogeliyeen in qofkii aan Khawaarijta lacag baad ah siin uu naftiisa weeyn doono ?” ayuu yiri siyaasi Cali Yare Cali oo kamid ahaa dadkii warkan ka felceliyay.

Warbaahinta dowladda ayaa marar badan lagu daabacay warar iyo warbixinno ay dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed, taa oo marar badan si weyn looga falceliyay laguna qasbay madaxda warbaahinta dowladda in warrakaasi meesha ka saaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –