Tartanka Gool Dhalinta Yurub Oo Meel Xiiso Leh Maraya, Ayaa Isku Baacsanaya

Weeraryahanka kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa xilli hore hogaaminayay tartanka loogu jiro kabta dahabka ah, abaalmarintaas oo la siiyo gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalada Yurub xilli ciyaareed kasta.

Haaland ayaa xaday indhaha taageerayaasha kubada cagta isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday noloshiisa Man City isla markaas dhaliyay 11 gool 7 kulan oo uu ciyaaray premier League ilaa haatan.

Laakiin Haaland ayay u dhimantahay waddo dheer si uu ugu guulaysto abaalmarinta marka la eego in ay xiddigaha Kooxaha Barcelona iyo PSG ee Lewandowski iyo Neymar ku raad joogaan.

Lewandowski ayaa ilaa haatan kooxdiisa Barcelona u dhaliyay 8 gool 6 kulan oo uu ciyaaray halka uu Neymar dhaliyay 8 gool 8 kulan oo uu ciyaaray La Liga.

Xiddiga Kylian Mappe ayaa ku xiga oo dhaliyay 7 gool kaas oo dhinaciisa ku jira tartanka gool dhalinta qaarada yurub xilli ciyaareedkan.

Hadaba halkan hoose kaga bogo tartanka gool dhalinta qaarada yurub:

Erling Haalnd (Man City) 11 Gool

Robert Lewandowski (Barcelona) 8

Neymar (PSG) 8

Mbappe (PSG) 7

Marko Arnautovic (Bologna) 6

Sheraldo Becker (Union Berlin) 6