Soomaaliya iyo Kenya oo maanta kala saxiixanaya heshiisyo labada dal muhiim u ah (Akhriso)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi wasiirro ah oo la socda ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee aasimadda dalka Kenya, waxa ayna wafdigan heshiisyo kala duwan la saxiixan doonaan dowladda Kenya.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Nairobi waxaa shir uga socday guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya, kuwaa oo ka baaraandagayay nuuca heshiisyo cusub ay labada dal ku kala saxiixanayaan Nairobi.

Sida aan xogta ku helnay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaana kala saxiixanaya ilaa afar heshiis oo muhiim u ah labada dal, waxaana heshiisyadaasi kamid ah mid la xariira amniga, socdaalka, waxbarashada iyo sidoo kale gaashaandhigga.

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay ogolaato in baasaboorka Soomaaliga loo sahlo dal kugalka ama viisaha, ayna ogolaato baasaboorkaasi in loogu safro kuwa dalalka kale ee Kenya dariska la ah.

Waxaa sidoo kale la filayaa in labada dal ku heshiiyaan in Jaamacadaha dalka Kenya ay aqoonsadaan shahaadooyinka dugsiga sare ee Soomaaliya, si ay jaamacadaha Kenya uga dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee kasoo baxay dugsiyada sare ee Soomaaliya kuyaalla.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale kala saxiixan doona in xiriirka ganacsi ee labada dal la hormariyo lana hirgaliyo dhammaan heshiisyadii horey loo galay ee dhinaca ganacsiga, taa oo faa’iido badan ugu jirta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabbi Barre iyo wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka ayaa la filayaa in ay la kulmaan madax iyo wasiirro katirsan dowladda Kenya ayna la saxiixdaan heshiisyada labada dal isku afgarteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –