Shirkadaha Korontada oo Midoobay iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo marqaati ka noqday (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban, awood leh, la iskuna haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay siiyaan adeeg ku filan.

Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.

“Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda, iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca waxsoosaarka“

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.

Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –