Shirka Doha Forum oo ka fumray Qatar

Published: December 10, 2023

Shirka Doha Forum oo ay ku kulmaan Madaxda dalalka caalamka iyo hay’adaha kala duwan ayaa maanta oo Axad ah ka furmay caasimada Qatar.

Shirka sannadkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaalada ka jirta Falastiin gaar ahaan duulaanka iyo Xasuuqa Isra’iil ay ka wado Marinka Gaza.

Raysalwasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, oo furitaanka shirka khudbad soo jeediyey ayaa sheegay in wax laga naxo ay tahay xaalada Gaza iyo sida dalalka caalamka qaarkood ay indhaha uga qarsanayaan, isagoo sheegay inay arrintan banaanka usoo saartay Munaafaqnimada dalalka Qaarkood.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, oo isaguna ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Golaha Amaanka ku fashilay inuu ansixiyo baaqiisii ahaa xabad-joojinta Gaza, balse uu sii wadi doono dadaalkiisa.

Hay’adaha UNRWA ee qaabilsan qaxootiga Falastiin oo hawlaha gargaarka bini’aadamnimo ka wada Gaza, isla markaana laga dilay in ka badan 100 kamid ah hawlwadeenadooda ayaa la gudoonsiiyey amaal marinta sanadkan.

Madaxa hay’ada UNRWA Md.Philippe Lazzarini, oo abaalmarintan ka gudoomay Amiirka Qatar ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada Gaza isagoona sheegay in hay’adaasi ay qarka u saaran tahay inay hawlaheeda joojiso hadii aan xal loo helin duulaanka Israel.

Horseed Media