Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamadii ugu dambeeyay ee wareega Grup-yada iyada oo kooxaha kala ogaadeen halka ay ka ciyaari doonaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kulamadii la ciyaaray salaasadii iyo Arbacadii ayaa ahaa kuwo cajiib ah iyada oo ay xiddigaha ka qayb galay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Kadib kulamadii la ciyaaray UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka iyada oo adeegsanaysa xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Real Madrid ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 2 xiddig kadib markii ay xasuuqeen kooxda Celtic.

Dhinaca kale kooxaha Man City, Ac Milan, PSG, Barcelona, Ajax, Leipzig, Benfica, Liverpool iyo Bayern Munich ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.