Shaxda Rasmiga Ah Ee Everton Vs Liverpool: Athur Melo Oo Kaydka Liverpool Ku Bilowday.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray shaxda uu kaga hor tagi doono kooxda Everton kulan ka tirsan premier League.

Klopp ayaa shaxdiisa ku sameeyay 2 is badal isaga oo ku bilaabay xiddiga Carvalho kaas oo uu ku badalay Jordan Henderson kaas oo dhaacan halka uu ku bilaabay xiddiga Konstantinos Tsimikas kaas oo badalay Andy Robertson.

Sidoo kale waxa ku bilowday xiddiga Darwin Nunez kaas oo ka soo laabtay ganaax 3 kulan ah oo uu kaga maqnaa kooxdiisa Liverpool.

Dhinaca kale xiddiga cusub ee Liverpool Melo ayaa kaydka ku bilowday kulanka kadib markii uu helay warqada shaqada England sidoo kale waxa kaydka Liverpool ku jira xiddiga Jota oo dhaawac ka soo laabtay sidoo kale xiddigaha Roberto Firmino.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:

Everton: Pickford, Patterson, Coady, Tarkowski, Mykolenko, Davies, Onana, Iwobi, Gray, Gordon, Maupay.

Kaydka: Begovic, Keane, Allan, McNeil, Coleman, Gueye, Vinagre, Rondon, Mills.

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Gomez, van Dijk, Tsimikas, Elliott, Fabinho, Carvalho, Salah, Nunez, Diaz.

Kaydka: Adrian, Milner, Firmino, Jota, Robertson, Arthur, Matip, Bajcetic, Phillips