(Sawirro) Dowladaha Somalia & Azerbaijan oo shir labo geesood ah ku yeeshay Banjul

Somalia iyo Azerbaijan oo ka wada xaajooday Xiriirka labada dal iyo Iskaashigooda Shirarka Caalamka

Ku-xigeenka RW XFS, Saalax Axmed Jaamac oo haatan Safar Shaqo ku jooga dalka Gambia waxa uu Kulan doceed la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jeyhun Bayramov.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan ayaa lagu sheegay in Kulanka labada dhinac uu galabta ka dhacay Madasha Shirweynaha 15-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC uga socda Caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

RW Ku-xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov waxay ka arrinsadeen Xoojinta Xiriirka labada dal iyo inay Qanacsanaanta Heerka uu haatan marayo Iskaashiga labada Dowladood ee Jadwalka Shaqo ee Ururada Caalamiga, gaar ahaan QM, Ururka dalalka Dhexdhexaadka (The Non-Aligned Movement) iyo Kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ku leeyihiin Caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

– Advertisement –






Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo saddex arrin ku amaanay Catriona Laing (Sawirro)