(Sawirro) Axmed Madoobe oo taageero u muujiyey Isimada dhaqanka SSC

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan Qado Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada SSC.

Madaxweynaha  ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaasoo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –