Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Sabti, April, 4, 2024 (AX) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Sarkaalkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmed oo loo yaqiinay Aadan biit, kaasoo lagu dilay goob maqaaxi ah oo ku taala agagarka xerada Iskool Buluusiya oo ka mid ah meelaha sida weyn loo ilaaliyo.
Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa geystay nin ku hubeysnaa Bastoolad, kaasoo ku dhuftay marxuumka dhowr xabdood, islamarkaana si deg deg ah goobta uga baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo gaaray goobta lagu dilay Sarkaalka ayaa halkaas baaritaano ka sameeyay, hayeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen falka dilka ah.
Dilka sarkaalkaan ayaa dad badan is weydinayaan sida ay ugu suurtagashay nin hubeysan inuu dil ka geysto agagaarka xerada Iskuul Buluusiya, islamarkaana uu baxsado.
Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka kala tacsiyadeeyay dilka Xalay loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya Aadan Cumar Axmed Aadan Biit.