Salman Cabdullahi Cismaan oo si arxan darro ah loogu dilay magaalada Queestown

Wararka ka imaanaya magaalada Queestown ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi xarun ganacsi kaga si arxan dadro ah ugu dileen kooxo aan heebtooda la garan.

Salman Cabdullahi Cismaan oo ahaa nin dhallinyaro ah ayaa loogu tagay dukaan uu ka shaqeenayay isaga oo meyd ah, waxaana ninkan la sheegay in loo tagay isaga oo gacmaha ka xir xiran sidoo kale qeyb kamid ah dukaankiisa la gubay.

Booliiska magaalada Queestown oo baaris ku wada kiiskan dilka ah ayaa sheegay in kooxda dilka geesatay kasoo galeen dukaanka saqafka kore ee dukaanka, waxaana xilliga weerarka dhacayay la sheegay in aaga dukaanka ku yaallay korontada ka maqneed.

Kooxaha burcada ayaa dilka wiilkan Soomaaliyeed u adeegsaday toorey ay dhabarka uga dhufteen, waxa ayna ka xir xireen gacmaha, iyagoona markii dambe dab ku shiday qeybo kamid ah dukaankan .

Dhacdadan ayaana cabsi hor leh ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan magaalada Queestown oon horey looga baran falalka nuucaan ah, mana jiro ilaa hadda cid booliiska Koonfur Afrika usoo qabteen falkan dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –