Saciid Ciise: “Waa iney Somalia cashar ka barataa dabinada ku wareegsan deyn qaadashada”

Guddoomiyaha Xisbiga dadka Soomaaliyeed Prof. Saciid Ciise Mohamud ayaa sheegay in deyn cafinta dhowaan loo sameeyey Somalia loo baahan yahay in laga barto casharo si mustaqbalka looga fogaado culeys noocaas ah oo shacabka Soomaaliyeed aysan mar kale xamili karin.

Prof. Saciid Ciise ayaa Madaxweyne Xassan Shiikh ku bogaadiyey sida uu u dhameystiray dedaaladii mudadii dheer soo socday ee la xiriiray sidii loo xaqiijin lahaa in deyntaas meesha laga saaro.

“Waxaa heybad iyo sharaf badan uu ILAAHEY libinta ku siiyey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud oo dadaaladiisa ugu dambeeyey ku soo dhameystiray deyn cafinta Soomaaliya. Waxaan guushaas ugu hambalyeynayaa madaxweynaha iyo dhamaan inta kala soo shaqeysay” ayuu yiri Saciid Ciise.

Waxaa uu xusay in deyntaas ay ka dhigneyd sidii madax furasho iyo afduub ay beesha caalamka u heysteen Soomaaliya, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in haatan laga xoroobay

“Soomaaliya waxay haatan ka baxday madax furashada ay u heysteen deyn bixiyeyaasha caalamka, taasoo Soomaaliya sanooyin badan ka dhigtay mid u afduuban hantigoosato shisheeye oo leh dhaqan qowleysato. Waa nasiib in Soomaaliya ay ka baxday qoor sagaaradii ay la dhul dhacday, waana fursad u baahan in cashar laga qaato in lagu degdego dabinada ku wareegsan deyn qaadashada” ayuu yiri Prof. Saciid Ciise.

Dhowaan ayey aheyd markii Bankiga Adduunka iyo IMF ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deymaha wax ku oolka ah ee lagu lahaa oo gaarayey $ 4.5 Bilyan kaddib muddo sannado ah oo ay soo socotay hannaanka deynta cafinta oo shuruudo dhowr ah looga soo gudbay.

Barnaamijka SMP ee geeddiga u ahaa deynta cafinta ayaa soo billowday sanadkii 2016, kaddib markii Soomaaliya ay billowday inay buuxiso faylka shuruudaha deyn cafinta sanadkii 2012 iyo markii si rasmi ah dib ugu biirtay Hey’adda IMF sanadkii 2013.

– Advertisement –