Roob sabab u noqday in xabsi weyn ka baxsadaan in ka badan 100 Maxbuus oo ku xirnaa

Xabsi weyn oo kuyaalla duleedka magaalada Abuja ee caasimadda dalka Nageria ayaa waxaa ka baxsaday maxaabiis tiro badan oo ku xirnaa, kaddib markii roob xooggan oo da’ay waxyeelo gaarsiiyay dhismaha xabsiga.

Warbaahinta dalka Nageria ayaa ku warantay in xabsiga Suleja oo ku dhaw caasimadda Nigeria ay ka baxsadeen 118-maxbuus oo dambiyo kala duwan u xirnaa, kuwaa oo baxsaday markii roobka saameeyay dhismaha xabsiga ay ku jireen.

Ciidamada ilaalada xabsiyada dalka Nageria ayaa durba bilaabay howlgallo balaaran ay dib ugu soo qabanayaan maxaabiista carartay, waxa ayna ciidamada dib usoo xireen ilaa 10-maxbuus oo kamid ahaa kuwii xabsiga ka baxsaday.

Afhayeenka waaxda adeegga xabsiyada dalka Nageria Adama Duza oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xabsiyadda wadaan howlgalo ay dib ugu soo qabanayaan maxaabiista baxsatay.

Dowladda Nageria ayaan wali shaacin maxaabiista baxsatay waxa ay ahaayeen iyo dambiyada ay u xirnaayeen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in xabsiga ku xirnaayeen xubno loo heesto in ay katirsanaayeen kooxda Boka Haram.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDib u dhis lagu sameenayo Waddada Laamiga ee Via Uganda oo la dhagax-dhigay (Sawirro)