Rio Ferdinand: Reece James Halkan Arin Ayuu Kaga Fiicanyahay Trent Alexander-Arnold

Daaficii hore ee United Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Reece James uu ka fiican yahay Trent Alexander-Arnold waqti xaadirkan, sababtoo ah awoodiisa difaac iyo weerar.

“Marka uu kubada haysto, James waxa uu u fiicanyahay Sida Trent, laakiin daafac ahaan, James ayaa ka heer Sareeya Trent”ayuu Ferdinand yidhi.

“Taasi waa farqiga u dhexeeya iyaga xilligan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Ciyaartoyda ugu fiican waxay leeyihiin xafiiltan, wayna is riixaan, Indhahayga, Reece ayaa haatan fiican laakiin Trent wuu ka bixi doonaa xaalada adag ee uu ku jiro”.

Xiddiga reer England James iyo Trent ayaa si weyn la isku bar-bar dhigaa tan ilaa markii uu James kulankiisii ugu horeeyay chelsea.

Labada xiddig ayaa sidoo kale ku tartama booska xulka qaranka England gaar ahaan marka la gaadho koobka adduunk.