QM oo sheegtay in Israel ay caqabad ku tahay gargaarka loo wado Gaza

Israa’iil ayaa si joogto ah u diidday kolonyada gargaarka iney tagaan waqooyiga Gaza, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA). Cunto yaraan ayaa ugu daran waqooyiga Qaza, halkaasoo Israa’iil ay xoogga saartay weerarkeeda militari maalmihii hore ee dagaalka.

Maamulka Israel ayaa diidey ugu yaraan 27 ka mid ah 81- howlgal ee gargaarka waqooyiga iyo koonfurta Gaza inta u dhaxaysay Abriil 1 iyo Abriil 19, UNRWA ayaa sidaas ku sheegtay warbixin ay soo saartay Talaadadii. Markii ugu dambeysay ee UNRWA ay u suurtagashay in ay sahay cunto geyso deegaanka waxay ahayd Janaayo 23-keedii.

Hay’adda Israa’iil ee mas’uulka ka ah kormeerka kolonyada gelaya Gaza ayaa u sheegtay CNN horraantii bishan inay “la shaqaynayso [waqooyiga] ururro bani’aadamnimo oo ballaaran” oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gobolka.

Tan iyo bilowgii Abriil, celcelis ahaan 186 baabuur oo gargaar ah ayaa u gudbey Gaza maalin kasta iyaga oo sii maraya marinnada dhulka Kerem Shalom iyo Rafah, sida ay sheegtay UNRWA. Laga bilaabo 8dii Abriil, UNRWA waxay sheegtay inay daqiiq gaarsiisay ku dhawaad ​​400,000 oo qoys oo ku nool koonfurta Gaza. Dagaalka ka hor, ilaa 500 oo baabuur oo sahay ah ayaa maalin walba soo galayay dhulka Gaza.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah uga digay in xannibaadaha ba’an ee Israa’iil ay ku soo rogtay gargaarka gelitaanka Gaza ay la macno tahay in gaajeysiin loo adeegsanayo hu ahaan.

– Advertisement –