Qarax Ismiidaamin ah oo lagu laayay Arday badan oo Imtixaan isku diyaarineysay (Sawirro)

Qarax ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray xarun waxbarasho oo kutaalla magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganistan, qaraxan ayaana khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu kasoo gaaray arday badan.

Booliiska Taalibaan ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraray xarun waxbarasho oo kutaalla xaafadda Dasht-e-Barchi ee galbeedka magaalada Kabul, waxaana xaafada uu qaraxu ka dhacay ku badan bulshada shiicada ee loo yaqaan Hazara.

Qaraxa ayaa la sheegay in saakay oo jimco ah lagu weeraray xarunta waxbarasho xilli ardayda xaruntaasi ku sugneed isku diyaarinayeen imtixaan, waxaana halkaasi ku dhintay 19-arday halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.

“Ardaydu waxay isku diyaarinayeen imtixaan markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xaruntan waxbarasho, nasiib darro 19 qof ayaa ku shahiiday 27 kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Khalid Zadran.

Dalka Afganistan oo taladiisa la wareegeen kooxda Taalibaan ayaa waxaa wali ka socda qaraxyo lagu beegsanayo dadka shiicada ah, waxaana horey qaraxyo badan uga dhaceen masaajid iyo goobo kale ay ku badan yihiin bulshada Shiicada ee kunool Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –