Q/Midoobay oo ka digtay khatar ku soo fool leh boqolaal kun oo Soomaali ah

Qaramada Midoobay ayaa shalay ka digtay in la filayo in roobab xooggan ay ka da’aan Soomaaliya xilli roobaadkan gu’ga.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shalay sheegay in roobab biyo badan dhigay ay ka da’een gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah, kuwo kalena la filayo April ilaa June.

Waxa uu sheegay in ilaa 50 doonyood loo diyaariyey meelaha laga baqayo inay ka dhacaan fatahaadaha oo illaa toban goobood ah oo ku teedsan webiyada Shabelle iyo Jubba.

Waxa uu intaas ku daray in roobabka laxaadka leh iyo daadadku ay saamayn karaan ilaa 770 kun oo qof.

Dujarric ayaa sheegay in roobabka laga cabsi qabo inay sii adlkeeyaan xaaladda shuban biyoodka iyo daacuunka lagu arkay meelo ka midah Soomaaliya, waxaana ilaa haatan la diiwaangeliyey ugu yaraan 7,200 kiis, iyo 75 dhimasho ah sannadkan.

Qaramada Midiobay waxay sheegtay in dhaqaalihii ay codsatay sannadkan oo ahayd 1 bilyan iyo 600 kun oo dollar la helay ilaa boqolkiiba toban.

– Advertisement –