Puntland: Markabkii MV Abdullah oo la siiyay, kaddib markii laga qaatay lacag madax furasho

Kooxda burcad-badeeda Soomaalida ee u afduubnaa markabka MV Abdullah ee laga lahaa dalka Bangladesh ayaa caawa siidaayay markabkaas kaddib markii ay ka qaateen lacag madax furasho ah oo gaaraysa 5 Malyan oo doolar.

Kooxda burcad-badeeda ayaa ka degay xeebaha degmooyinka Eyl/Gdobjiraan iyo Jariibaan ee gobollada Nugaal iyo Mudug, iyadoo boqolaal ciidamo ah oo Puntland ay ku sugnaayeen badda iyo berigaba.

Markabka MV Abdullah oo dhuxul u siday Imaaraadka ayaa la afduuby 12 March 2024, waxaana saarnaa 23 shaqaale ah oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.

Waa markii ugu horreysay oo burcad-badeeda Soomaalida ay lacag madax furasho ah qaataan tan iyo 2012.

PUNTLAND POST