Pakistan oo weerar qaaday kadib duqeyntii IRAN la beegsatay dalkeeda

Published: January 18, 2024

Ciidamada cirka Pakistan ayaa duqeymo dhanka cirka ah oo aargoosi ah ku qaaday Iran, iyaga oo la sheegay in ay bartilmaameedsanayaan fariisimaha dagaalyahanada Jabhada Xoreynta Balochistan.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof.

Diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ayaa la sheegay inay gantaalo ku tuureen xarumo ay ku sugnaayeen kooxda xoreynta Boluchistan oo ah jabhada kasoo horjeeda Pakistan oo fadhigeedu yahay Iran.

Weerarka Pakistan ku qaaday gobalka Sistan-Balochistan ee dhulka Iran ayaa daba socda weerar ay Iran Talaadadii ka geysatay dhulka Pakistan oo ka dhacay gobalka Balochistan.

Pakistan ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Iran kadib weeraradii Talaadadii.

Iran ayaa weerarkii ay ku qaaday gobalka Boluchistan u adeegsatay diyaaradaha Drone, iyadoo sheegtay inay weerarka la beegsatay jabhada Ciidanka Cadaalada oo ah jabhad la dagaalanta Iran oo fadhigeedu yahay Pakistan.

Xiisada ka dhex qaraxday labada dal ee jaarka ah ayaa lama filaan ku noqotay inta badan shacabka labada dal xili dowladahaasi ayaa xiriirkooda soo hagaagayey muddooyinkii danbe.

Todobaad kahor ayey ciidamada badda ee labada dal Iran iyo Pakistan ay si wadajir ah u sameenayeen dhoolustus.

Horseed Media