Nisa oo Dhallinyaro Reer Somaliland ah Jidhdil ugu Geystay Hotel Muqdisho ku yaalla

Muqdisho (Dawan):-Ciidanka tirsan ha’yadda sirdoonka Soomaaliya ee NISA,ayaa jidh dil iyo garaacis u geystay dhallinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira oo ka soo jeeda Somaliland oo ka cabanayay dhallinyaro Nisa u xidhatay kiiska dilkii Aqoonyahan Cabdinaasir Dahable oo hore Nisa Xamar ugu dishay,isla markaana xabsiyada Nisa lagu jidh dilay.

Dhallimyarada Hotelka Muqdisho lagu jidh dilay ayaa doonayay in ay qabtaan kulan warbaahineed ay kaga soo hor jeedeen jidh dilka loo geystay dhalinyara Nisa qafaalatay ee ay dilka Aqoonyahan Cabdinaasir Dahable ay u xidheen.

Hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo fulinaysa amarka Madaxweynaha caalamku Xamar ku waariyeeyo ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay in ay ugaahdsadaan oo ay qafaashaan dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ka soo jeeda Somaliland.

Dadka kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan Xamar ayaa walaac xoogaan ka muujiyey xaaladda ay ku sugan yihiin dhallinyarada ku xidhan Muqdisho oo jidh dil joogto ah lagu hayo

Geesta kale waxay wer wer wayn ka qabaan in ay nool yihiin iyo in la dilay dhallinyarada u xidhan Nisa ee ka soo jeeda Somaliland,waxaa kale oo ay dheegeen dadka u dhashay Somaliland eek u sugan Muqdishi in noloshoodu ay halis ku jirto isla markaana ay bartilmaameed u yihiin ciidanka Nisa ee uu maamulo Xasan Sheekh Maxamuud Mdaxweynaha Soomaaliya.

 

 

 

 





Previous articleHeshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya muu ahayn wax Degdeg ah “Wasiir Ciise Keyd