Nin riyoonaya oo iska jaray Xubintiisa taranka iyo xaaladiisa oo lala tacaalayo

Deegaan katirsan dalka Chana waxaa ka dhacday arrin dad badan layaab iyo amakaag ku noqotay, kaddib markii nin dhallinyaro ah uu si lama filaan ah isaga oo hurdaya isaga jaray xubintiisa taranka .

Kofi Atta oo ah nin beeraley ah ayaa iska jaray xubintiisa taranka isaga oo riyoonaya, waxaana ninkan oo xaaladiisa liidato hadda lagula tacaalayaa isbitaal weyn oo kuyaalla dalka Ghana.

Ninkan  ayaa sheegay in xilli duhur ah uu ku hurday kursi uu ku fadhiyay, waxa uuna xusay in isaga oo hurdaya ku riyooday in hilib hortiisa yaalla uu jar jarayo uuna lasoo baxay mindi uu heestay kaddibna iska jaray xubintiisa taranka uu hilib mooday.

Dhibanahan oo xaaladiisa caafimaad si weyn loola tacaalayo ayaa sheegay in uusan heysan lacag uu isku daweeyo, waxa uuna xusay in xitaa uu awoodi waayay in uu iska bixiyo lacagta gaarigii isbitaalka lagu keenay.

Dhacdadan ninkan qabsatay ayaana si weyn hadal heyn uga abuurtay baraha bulshada dalka Ghana, waxa ayna dadka qaar layaab ku tilmaameen in riyo waqti galaaban ay galaafatay raggnimadii ninkaasi beeraleyda ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleFarmaajo oo ka hadlay Shirka Garawe iyo arrimo uu kala hadlay Madaxweyne Xasan