Muxuu isu casilay Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed?

Wasiirkii Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee ka hayay maamulkaas.

Ilyaas oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay mid la xiriirta dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee dhexmaray ciidamada maamulka Koomfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga Musharaxiinta.

Wasiir Ilyaas ayaa mas’uuliyadda dagaalkaas dusha ka saaray Madaxweyne Laftagareen, wuxuuna tilmaamay in uu isku dayay in dagaalkaas laga baaqsado, hase ahaatee ka suurtogeli-wayday dhanka maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday in ay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.

PUNTLAND POST