Muxuu Elon Musk ka yiri casuumadii ay u fidisay Xamaas inuu booqdo Gaza?

Maalqabeenka dhanka tiknoolajiyada ah ahma milkiilaha barta Twitter ayaa diiday casuumaad uu u fidiyay mas’uul ka tirsan ururka Xamaas si uu u booqdo marinka Qaza oo uu indhihiisa ku arko baaxadda burburka iyo khasaraha ku yimid dhulka ay Israa’iil duqeyso.

Musk ayaa sheegayin booqasho uu xiligan ku tago Gaza ay tahay mid halis ah oo aan suuragal aheyn.

“Waxay u muuqataa waxoogaa khatar ah hadda, laakiin waxaan aaminsanahay in Gaza oo barwaaqo ah ay u fiican tahay dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri Elon Musk.

Shalay, Talaadadii, wakiilka dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Lubnaan, Osama Hamdan, ayaa ku martiqaaday Elon Musk inuu booqdo marinka Qaza inta lagu guda jiro shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beirut,

“Waxaan ku casuumaynaa Elon Musk inuu booqdo marinka Qaza si uu u arko xajmiga xasuuq iyo dembiyada laga galay dadkeena, iyadoo la raacayo halbeegyada wax-ku-oolnimada iyo kalsoonida Lagana guuro siyaasadda eexda iyo laba-wajiileyntaa ah ee lagula tacaalayo qadiyadda dadkeena iyo xuquuqdooda sharciga ah” ayuu yiri Hamdan.

Elon Musk ayaa booqday Israel ka dib casuumad loo fidiyey si loo soo tuso dhibaatooyinka ay Xamaas geysatay, iyadoo ninkan uu saaran yahay cadaadis ka yimid dalalka reer galbeedka oo diidan sida uu bartiisa Twitterka ugu fasaxay in lagu baahiyo dhaliilaha loo jeedinayo Israel.

– Advertisement –