Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay taliyeyaasha ciidamada amniga Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo la dagaalanka Argagixisada oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada, Wasiirka amniga Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale waxaana laga hadlay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoreynta deegaanada ay  ka joogaan Jubbaland

Dhjinaca kale, Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dibu-heshiisiinta ayaa  soo bandhigtay waxyaabahii uga soo qabsoomay safarkii shaqo ee Degmada Dhoobley iyo howlaha horutabinta Wasaaradda ee Saddexda bilood ee soo socda.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa ka warbixisay xogta wajiga saddexaad ee Barnaamijka Qandaraaska Adeeg bixinta Biyaha oo ay wado Wasaaraddu.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay dib u habaynta xiriirka kubada cagta Jubaland iyo dadaalada hormarinta Ciyaaraha.

Waxaa golahu uu dood ka yeeshay Xeerka Hindisa sharciyeedka Gudniinka Fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland.

– Advertisement –