Militariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymo mataano ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya, oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay 23 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 carruur ah, bishii Maarso, iyadoo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo “dambiyo dagaal.”

Sida ay sheegtay Amnesty, duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso ayaa lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ku dhawaad labaatameeyo qof, ayada oo ku dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan.

Hay’adda Amensty International ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in “weerarada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah” oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Amnesty ayaa wareystay 12 qof oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabadooda iyo goobjoogayaal, waxayna hay’addu eegtay oo falanqeysay sawirada dayax gacmeedka iyo sawirada jajabyada hubka si loo ogaado isticmaalka bambooyinka ay soo saarto Turkey iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen isla deegaanka tuullada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse ma aysan sheegin dad rayid ah oo ku dhintay.

“In ka badan 30 (maleeshiyaad ah) ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta 19-kii Maarso.

Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 ka mid ah al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska, halka 15 kale lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Baqdaad.

Amnesty ayaa sheegtay in ay ka codsatay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga in faah faahin dheeri ah laga bixiyo balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Soomaaliya iyo Turkey ayaa bishii February ee sanadkan kala saxiixday heshiiska difaaca badda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –